HomeWararDFS oo War kasoo saartay Weerarkii dadka lagu laayay ee ka dhacay...

DFS oo War kasoo saartay Weerarkii dadka lagu laayay ee ka dhacay Ruushka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay Weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo xalay ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kadib markii dabley hubeysan ay weerareen hoolka bandhig faneedka Moscow. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay Weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo xalay ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kadib markii dabley hubeysan ay weerareen hoolka bandhig faneedka Moscow.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin weerarkii xalay ka dhacay Ruushka, isla markaana ay dowladda cambaareyneyso.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa tacsi u diray dadka ku wax yeeloobay weerarkii dableyda hubeysan ka geysteen hoolka bandhig faneedka Moscow iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay falkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u cambaaraynayaa weerarkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay hoolka xafladaha ee Moscow. Madaxweynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka ku wax yeeloobay iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan lixdan qof ayaa lagu dilay weerarka, halka  in ka badan boqol qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Ruushka. Ugu yaraan afar weeraryahan oo ku labisan qalabka wajiga lagu duubto ayaa ka qayb qaatay weerarka, oo ka dhacay xaafadda waqooyi-galbeed ee Krasnogorsk.

- Advertisement -

Masraxa hoolka Crocus ee magaalada waxaa ka socotay riwaayad markii dableyda ay gudaha u galeen hoolka. Inta badan dhismaha ayaa waxaa qabsaday dab, waxaana soo dumay qeyb ka mid ah dhismaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts