HomeWararRa’isulwasaaraha Haiti oo ka degay Jasiirad Hoostagta Mareykanka

Ra’isulwasaaraha Haiti oo ka degay Jasiirad Hoostagta Mareykanka

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Ra’isulwasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa xalay ka dagay jasiiradda Mareykanka hoos timaaddo ee Puerto Rico, xilli ay dadka dalkiisa ay is weydiinayaan sababta uu dalka ugu soo laaba la’yahay kaddib marki ay kooxaha burcadda ah ee hubeysan ee waddanka intiisa badan xukuma ay qarka u saaranyihiin in ay ridaan dowladda.

Xafiiska guddoomiyaha Puerto Rico ayaa xaqiijiyay, in Henry uu soo gaaray magaalada caasimadda ah ee San Juan. Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramay in jasiiradda Dominican Republic oo deris la ah Haiti, sidoo kalana ay isla wadaagaan jasiiradda Hispaniola ayaa ku gacan-seyrtay in uu dalkooda kusoo dago.

Ariel Henry, oo talada dalka la wareegay kaddib marki shirqool lagu dilay madaxweynihi hore Jovenel Moïse, ayaanan haba yaraatee hadlin, tan iyo marki ay kooxaha gangiska ah ee hubeysan ay la wareegeen xabsiyada ugu weyn dalka isla markaana ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah.

Henry ayaa isu soo maray Koofurta America iyo Africa. Lamana oga hadda inuu sii joogi doono Puerto Rico iyo inuu gali doono Haito.

Hase yeeshee, Jimmy Chérizier oo ah hogaamiyaha burcadda midowday ee rabta in ay dowladda talada ka tuurto, horayna u soo noqday sarkaal ka tirsan booliska, ayaa mar kale Talaadadi shalay ku celiyay in aysan u ogolaa doonin Henry inuu galo Haiti isla markaana ay doonayaan inuu is casilo.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories