HomeWararDFS oo si kulul uga hadashay fal ay Itoobiya ku sameeysay MW...

DFS oo si kulul uga hadashay fal ay Itoobiya ku sameeysay MW Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day dowladda Itoobiya ku dooneysay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu hor-istaagto inuu ka qeyb galo Shirkii Midowga Afrika ee Maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in falka Itoobiya kula kacday Madaxweyne […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day dowladda Itoobiya ku dooneysay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu hor-istaagto inuu ka qeyb galo Shirkii Midowga Afrika ee Maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in falka Itoobiya kula kacday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa uu yahay mid jebiyay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah.

- Advertisement -

“Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, uguna sii daran’e’, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika.” “Hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay” ayaa lagu yiri Warka.

Wasaarada Arrimaha dibadda Xukuumadda ayaa sidoo kale Midowga Afrika ka codsatay inay baaritaan degdeg ku sameeyay arrintan, lagana fiirsado inay Itoobiya sii ahaato xarunta Midowga Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya inay sameysay xushmad darro, iyadoo ku dhaqaaqday in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socday Madaxweynaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts