HomeWararDuqeyn lagu Burburiyey Xarumo ay lahaayeen AS oo Saaka ka dhacday Gal-hareeri

Duqeyn lagu Burburiyey Xarumo ay lahaayeen AS oo Saaka ka dhacday Gal-hareeri

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay waaberigii hore ee saaka oo khamiis ah ay ka dhacday magaalada Gal-hareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Xarumo waaweyn ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab. Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones lala beegsaday Xarumo ay lahaayeen Shabaab […]

- Advertisement -

Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay waaberigii hore ee saaka oo khamiis ah ay ka dhacday magaalada Gal-hareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Xarumo waaweyn ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones lala beegsaday Xarumo ay lahaayeen Shabaab oo ku yaallay magaalada Gal-hareeri, waxaana la tilmaamay in weerarka uu ka dhashay khasaaro.

- Advertisement -

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo ah Wasiir ku-xigeenka Wwasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,  oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, laguna dilay xubno fara badan.

Wasiir Al-Cadaala ayaa intaas kusii daray qoraalkiisa in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarunta Idaacadda Andalus, waa sida sida uu hadalka u dhigay.

“Gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Shabaab badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

- Advertisement -

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Latest stories