HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Garoowe uga qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Puntland, kadib […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Garoowe uga qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Puntland, kadib doorashadii 8-dii bishaan Janaayo dhacday.

- Advertisement -

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo u warramay BBC-da ayaa u sheegay in Madaxda lagu casuumay Munaasabadda caleemo-saarka Deni uu kamid yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka, isla markaana uu ka qeybgalayo.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh ay saakay gaareen magaalada Garoowe, lana sugayo Madaxweynaha oo ay haatan qaban-qaabadiisa ka socoto Garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir ee magaaladaasi.

Madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo SSC-Khaatumo ayaa ku sugan Garoowe, sidoo kalena waxaa halkaasi jooga caleemo-saarka Deni ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka, siyaasiyiin, Wakiilo caalami iyo mas’uuliyiin farabadan.

- Advertisement -

Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Maanta oo khamiis ah  ka dhaceysa caasimadda Garoowe,

Latest stories