HomeWararSAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Garoowe

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, qaar kamid ah Madaxda maamulada ee halkaasi jooga, xubno kala duwan iyo dadweyne farabadan. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, qaar kamid ah Madaxda maamulada ee halkaasi jooga, xubno kala duwan iyo dadweyne farabadan.

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa magaalada Garoowe uga qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Sidoo kale Madaxda dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa caleema saarka ka qeyb galaya, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka baaqsaday sababo la xiriira khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni oo wixii ka dambeeyay doorashadii Federaalka ee 15 May 2022 uu xiriirkooda xumaaday.

Madax hore iyo wafuud ka kala socda dowladda Kenya, Jabuuti iyo Dowlad deegaanka Soomaalida, xubno ka socda Safiirada dalalka Caalamka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya xaflada caleema saarka.

- Advertisement -

Latest stories