HomeWararWararkii ugu dambeeyay dagaal Saaka Waaberigii hore ka qarxay Caad

Wararkii ugu dambeeyay dagaal Saaka Waaberigii hore ka qarxay Caad

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka ka imaanaya deegaanka Caad oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaan iyo al-Shabaab oo dhinac ah. Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday saaka waabirigii hore kadib markii meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya deegaanka Caad oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaan iyo al-Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday saaka waabirigii hore kadib markii meel ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadeen Shabaab.

- Advertisement -

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dagaalku uu yahay mid culus hase-yeeshee ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo inta uu gaarsiisanyahay.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen weerarka al-Shabaab ay soo qaadeen saaka isla markaana ay baacsadeen, balse ma jirto cid kale oo ka madax bannaan dowladda oo sheegashadaas xaqiijineysa.

Saraakiil ka tirsan Dawladda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan dagaalamaayasha alshabaab laga saaray Magaalada.

- Advertisement -

“Ciidanka Dawladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa horay si buuxda ula wareegay magaalooyin badan oo ka tirsan gobalka Mudug kuwaas oo ay ku jirto magaalada Caad” ayaa lagu yiriQoraalka lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

Latest stories