HomeWararWasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF ee kasoo jeeda Somaliland oo ka...

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF ee kasoo jeeda Somaliland oo ka horyimid Heshiiskii Badda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland. War saxaafadeed baxay kulanka oo ay ka […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

War saxaafadeed baxay kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka, xubno ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa lagu diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo akhriyay bayaanka ka soo baxay kulan ayaa sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed, lana aqbalo doonin heshiis beenaadka Addis ababa ku dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse  Biixi.

Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado,

Dhinaca kale waxaa walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Waxaana shir saxaafadeed lagu sheegay in dhulka Soomaaliyed uu yahay dhaxal Ummadda Soomaaliyeed, ayna jirin cid gaar ah oo u xil saaran inay gorgortan kala gasho dowlad kale.

- Advertisement -

 

Latest stories