HomeWararDoorashada Guddoonka Golaha deegaanka Warsheekh oo Maanta dhaceyaa

Doorashada Guddoonka Golaha deegaanka Warsheekh oo Maanta dhaceyaa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa Maanta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhaceysa doorashada Guddoonka Golaha deegaanka ee degmadaasi. Doorashada Guddoomiyaha Golaha deegaanka Warsheekh ayaa waxaa ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Maxamed Xasan Mataan iyo Yaasiin Geeddi Suubiye, kuwaasi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha. Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenada Golaha deegaaanka ayaa […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhaceysa doorashada Guddoonka Golaha deegaanka ee degmadaasi.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha deegaanka Warsheekh ayaa waxaa ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Maxamed Xasan Mataan iyo Yaasiin Geeddi Suubiye, kuwaasi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha.

- Advertisement -

Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenada Golaha deegaaanka ayaa waxaa ku tartamaya illaa 7 Musharax oo isku diiwaan-geliyay u tartanka qabashada xilka.

Howlka ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa kusoo qul-qulaya Xildhibaanada Golaha deegaanka, Musharaxiinta tartameysa, mas’uuliyiin ka tirsan DFS, kuwa Maamulka Hirshabeelle iyo marti sharaf farabadan oo la casuumay.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle, Wasiirka dib u heshiinta Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka noqonaya doorashada Warsheekh ka dhaceyso.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Carunta degmada oo lagu qabanayo doorashada.

Latest stories