HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo gaaray Addis Ababa & ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Addis Ababa & ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo barqanimadii Maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Ababa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Demeke Mekonen iyo mas’uuliyiin kale. Madaxtooyada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo barqanimadii Maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Ababa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Demeke Mekonen iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay socdaalka Muuse Biixi ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya mudane Abiy Axmed Cali, safarkana uu qaadan doono maalmo kooban.

Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kulan looga hadli doono arrimo dhowr ah ku yeelan doona magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta iyo Horunarinta , Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, waxbarashada iyo sayniska Dr Axmed Aadan Buuxane, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda.

- Advertisement -

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Addis Ababa ayaa imaanaya xilli maalmo kahor heshiis kula soo galay dalka Jabuuti madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona labada dhinac ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay.

Latest stories