HomeWararDowladda oo Gargaar u dirtay Maamulada Galmudug iyo SSC-Khaatumo

Dowladda oo Gargaar u dirtay Maamulada Galmudug iyo SSC-Khaatumo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa maanta oo Axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay Markab wada shixnad gargaar raashin ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, fatahaadda iyo daadadka El-Nino ay sameenta ka soo gaartay. Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka KMG ah […]

- Advertisement -

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa maanta oo Axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay Markab wada shixnad gargaar raashin ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, fatahaadda iyo daadadka El-Nino ay sameenta ka soo gaartay.

Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaana lagu wadaa in uu ku xirto Dakedda Boosaaso, iyadoo halkaas looga daabuli doono Gawaari si deeganadaas loo gaarsiiyo.

- Advertisement -

Hore sidaan oo kale waxa ay hay’adda shixnado gargaar raashin ah oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed ugu dirtay Deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in deeq-bixiyayaasha iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay si weyn uga soo jawaabeen baaqyada gurmadka, isla-markaana uu hay’adda soo gaaray raashin ku filan gobollada dalka oo dhan.

Sida uu xusay Guddoomiyaha, qorshada SoDMA ee shanta sano ee soo aaddan ayaa ah, in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiragaliyo lagana gacan siiyo sidii ay u maal-gashan lahaayeen mashaariicda dhisaysa adkaysiga iyo la qabsiga musiibooyinka, ka soo kabashada iyo horumarka, si looga baxo baahida iyo gacan hoorsiga.

Latest stories