HomeWararCarruur badan oo Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay Baladweyne

Carruur badan oo Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay Baladweyne

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi ugu geeriyoodeen caruur badan oo kamid ahaa dadka deegaanka, halka qaar kalena ay la ildaran yihiin. Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in xaalada ka taagan magaalada ay tahay adag, […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi ugu geeriyoodeen caruur badan oo kamid ahaa dadka deegaanka, halka qaar kalena ay la ildaran yihiin.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in xaalada ka taagan magaalada ay tahay adag, isla markaana cudurka Shuban Biyoodka uu ku dhacayo carruurta, sidoo kalen halis ugu jiraan dadka waayeelka ah.

- Advertisement -

Ugu yaraan illaa 11 qof oo u badan carruur ayaa saacadihii lasoo dhaafay xanuunka ugu geeriyootay gudaha Baladweyne, waxaana xaalada ugu daran ay ka jirtaa xaafadaha  Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo-taako.

Cudurka ayaa dilaacay kadib markii laga soo noqday fatahaadda ku dhufatay magaalada  oo xaafadaha ku reebtay biyo wasaqeysan, waxaa kaloo ay Dhaqaatiirta Caafimaadka ay sheegeen inay Baladweyne ka jirto daawo yari qaar kamid ah isbitaallada halkaasi.

Reer Beledweyne ayaa sanadkan wajahaya xaalado adag, sida fatahaadda Elinino, qaraxyo ka dhacay magaalada oo dad badan ay ku dhinteen iyo Shuban Biyoodka hadda dilaacay.

Latest stories