HomeWararNISA oo qabatay Gaadiid la sheegay inuu qalab u siday AS &...

NISA oo qabatay Gaadiid la sheegay inuu qalab u siday AS & Rag la socday

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay, sida goor dhow uu baahiyay Telefashinka ku hadla afka dowladda Soomaaliya. Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Galbeed, waxaana sidoo kale ciidanka […]

- Advertisement -

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay, sida goor dhow uu baahiyay Telefashinka ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Galbeed, waxaana sidoo kale ciidanka Nabadsugida gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.

- Advertisement -

Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha dagaalamayaasha Al-Shabaab ka joogaan Shabeellaha Hoose,  waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen halkaasi.

Ciidamada ayaana baaritaano dheeraad ah ku wada dadka ay qabteen iyo qalabka elektarooniga ah, waxaana jira tuhuno la xariira iyo dadka la qabtay qaarkood ay kusii jeedeen Al Shabaab.

Latest stories