HomeWararTaliska Ciidanka Dhulka oo ka hadlay dagaal ka dhacay Mudug

Taliska Ciidanka Dhulka oo ka hadlay dagaal ka dhacay Mudug

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Taliska Ciidanka Dhulka ayaa ka hadlay dagaal xooggan oo  shalay ka dhacay deegaanka Caad, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha AL-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab islamarkaana looga furtay hub. […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Dhulka ayaa ka hadlay dagaal xooggan oo  shalay ka dhacay deegaanka Caad, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab islamarkaana looga furtay hub.

- Advertisement -

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxda al-shabaab, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad”. ayuu yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel Caad u jirto 10 KM  khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaas ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub, sidaasi waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay dagaalamaayasha AL-Shabaab looga dilay 130 dagaalame, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo ay ku sugnaayeen.

Latest stories