HomeWararMuuse Biixi oo la kulmay Ganacsatada Somaliland

Muuse Biixi oo la kulmay Ganacsatada Somaliland

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaaran oo lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas la yeedhay ganacsatada kala duwan ee Somaliland. Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen ayaa diiradda lagu saaray sidii  looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaaran oo lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas la yeedhay ganacsatada kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen ayaa diiradda lagu saaray sidii  looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka badda cas, loona diyaarin lahaa  qorsheyaal midho dhal ah oo lagu maareeyo saamaynta ganacsiga ku soo korodhay ee nolosha bulshada taabanaysa.

- Advertisement -

Xubno kamid ah ganacstadii madasha ku sugnayd ayaa soo jeediyey tallooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas.

Madaxweynaha waxa uu ganacsatada uga mahadnaqay sida xushmadda leh ee u soo ajiibeen kulanka qaran ee loogu baaqay, waxana uu soo dhaweeyey soo jeedimaha iyo talooyinka cilmiga ku dhisan ee ku saabsan iskaashiga ganacsatada iyo Xukuumadda.

Latest stories