HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda Koonfurta Gobolka Mudug

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda Koonfurta Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Maanta ka socda degaanka Jeex jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii ciidanka kumaandooska DANAB ay weerar ku qaadeen goobo ay isku aruursanayeen dagaalyanada […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Maanta ka socda degaanka Jeex jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii ciidanka kumaandooska DANAB ay weerar ku qaadeen goobo ay isku aruursanayeen dagaalyanada Al-Shabaab, isla markaana waxaa weerarka kadib bilowday dagaalka oo weli ah mid deegaanka ka socda.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in Ciidanka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka maanta, Al-Shabaabna laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay haatana, ay sii socon doonaan howlgalada.

Lama oga weli khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa maalmahanba ku sii siqayey degaanka Caad oo ka mid ah meelo fara ku tiris ah oo Al shabaab ay ka joogaan Gobolka Mudug.

Latest stories