HomeWararBooliska Somalia oo shaaciyay inay xireen Nin Dil ka geystay Magaalada Nairobi

Booliska Somalia oo shaaciyay inay xireen Nin Dil ka geystay Magaalada Nairobi

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen oo la xiray eedeysane dil kas geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi kasoo baxday laamaha amniga dalkaasi. War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda […]

- Advertisement -

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen oo la xiray eedeysane dil kas geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi kasoo baxday laamaha amniga dalkaasi.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka  ay soo xireen eedeysane baxsad ah, laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

- Advertisement -

Taliska ayaa sheegay in eedeysane Axmed Cabdiraxmaan uu gudaha Kenya ku dilay Marxuum Maxamed Xasan, isla markaana uu kasoo baxsaday magaalada Nairobi.

Qoraalka Booliska dowladda Soomaaliya soo saaray ayaa intaas lagu sii daray in Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi la horgeyndoona Cadaalada. Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Booliska Kenya oo ay uga hadlayaan falkaasi ka dhacay dalkooda.

Latest stories