HomeWararIsimada Dhaqanka SSC oo Go’aan kasoo saaray ka qeyb galka Doorashada Puntland

Isimada Dhaqanka SSC oo Go’aan kasoo saaray ka qeyb galka Doorashada Puntland

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Isimada dhaqanka SSC-khaatumo oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Go’aan kasoo saaray kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ee deegaannada SSC-khaatumo. Isimada dhaqanka ayaa ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn arrimaha doorashada dowlad Goboleedka Puntland ee 2024, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka isimada dhaqanka SSC garaad […]

- Advertisement -

Isimada dhaqanka SSC-khaatumo oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Go’aan kasoo saaray kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ee deegaannada SSC-khaatumo.

Isimada dhaqanka ayaa ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn arrimaha doorashada dowlad Goboleedka Puntland ee 2024, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka isimada dhaqanka SSC garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

- Advertisement -

Wuxuu Garaadka tilmaamay in odayaasha dhaqanka aysan xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada Maamulka SSC, wuxuuna intaas kusii daray in aysan sii joogi karin 17-ka xildhibaan ee ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland. Isimada ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan.

Go’aanka ay ku dhawaaqeen Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa kusoo beegmay, iyada oo Dowlad Goboleedka Puntland ay ka socdaan ololaha diyaar garoowa doorashada ka dhaceysa maamulkaasi bisha soo socota.

Latest stories