HomeWararDuqeyn la sheegay in lagu Burburiyay Saldhig ay lahaayeen AS oo ka...

Duqeyn la sheegay in lagu Burburiyay Saldhig ay lahaayeen AS oo ka dhacday Mudug

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Diyaaradaha nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay duqeyn ka fuliyeen Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad iyo Cadaley ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug. Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta dhacday lagu burburiyay Saldhigyadyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta […]

- Advertisement -

Diyaaradaha nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay duqeyn ka fuliyeen Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad iyo Cadaley ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta dhacday lagu burburiyay Saldhigyadyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Mudug, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay duqeyntaasi.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo ka hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goob sida la tilmaamay ay isku aruursanayeen A-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ayaa intaas kusii daray in howlgalka lagu burburiyay Saldhigii Howdka Jeexjeexa oo Koonfurta oga beegan Buurta Yackoos halkaas oo la sheegay in Shabaabka ay ku diyaarinayeen Gaadiid qaraxyo ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macwiisleyda ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday qeybo kamid ah Gobolka Mudug, waxaana ciidamada ay howlgalkaasi kula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Latest stories