HomeWararBurcad hubeysan oo mar kale Doon ka afduubatay xeebaha Somalia

Burcad hubeysan oo mar kale Doon ka afduubatay xeebaha Somalia

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Hay’adda dalka Britain ugu qaabilsan La-socodka Howlgallada Maraakiibta Ganacsiga (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay inay dabley aad u hubeysan qafaasheen Dooni Ganacsi oo maraysay meel ka baxsan Xeebaha Somalia, una dhow magaalladda Eyl ee Bariga Somalia. Hay’adda UKMTO ayaa waxay sheegtay inay Xogtan ka heleen Ilo Milliteri, balse, Faahfaahin dheeraad ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda dalka Britain ugu qaabilsan La-socodka Howlgallada Maraakiibta Ganacsiga (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay inay dabley aad u hubeysan qafaasheen Dooni Ganacsi oo maraysay meel ka baxsan Xeebaha Somalia, una dhow magaalladda Eyl ee Bariga Somalia.

Hay’adda UKMTO ayaa waxay sheegtay inay Xogtan ka heleen Ilo Milliteri, balse, Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Doonida la qafaashay.

- Advertisement -

Baaritaano ayaa socda oo ku aadan dhacdadaasi, lamana oga tirada Badmaaxiinta la socotay doonidaasi, Shixnadaha ku raran, Dekedda ay ka soo shiraacatay iyo Marsada ay ku wajahnayd.

Bishan December 14-dii ayey ahayd markii ay Kooxo Hubaysan ay Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Bulgaria ka qafaasheeen meel ku dhow Jesiiradda Socotra ee Yemen oo qiyaastii 150 miles ka baxsan Xeebta Somalia.

Markabkaasi oo lagu magacaabo MV RUEN waxaa la socda 18 Badmaaxiin, oo mid ka mid ah oo xanuunsaday lagu wareejiyey Markab Dagaal oo ka mid ah Maraakiibta dalka Hindiya ee gaaf-wareega Gacan-biyoodka Baabul Mandab ee Badda Cas.

- Advertisement -

Wakaallada Wararka dalka Bulgaria ee BTA waxay ka soo xigatay Wasiirka Gaadiidka dalkaasi, (The Bulgarian Transport Minister) Georgi Gvozdeikov inay Burcad-baddeed Soomaali ah qafaasheen Markabka MV RUEN, maadaama Markabka haatan lagu haysto Xeebaha Somalia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts