HomeWararXuseen Macalin oo ka hadlay sababta ay u hakadeen howlgaladii socday

Xuseen Macalin oo ka hadlay sababta ay u hakadeen howlgaladii socday

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xuseen Macalin Maxamuud oo ah La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay dib u bilowdeen howlgaladii ka dhanka ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu xusay inay u hakadeen waddooyinka oo biyaha roobabka galay, balse dib loo furay. La-taliyaha oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka wejigiisa koowaad lasoo […]

- Advertisement -

Xuseen Macalin Maxamuud oo ah La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay dib u bilowdeen howlgaladii ka dhanka ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu xusay inay u hakadeen waddooyinka oo biyaha roobabka galay, balse dib loo furay.

La-taliyaha oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka wejigiisa koowaad lasoo afmeeray, isla markaana dhawaan uu bilaabayo wejiga labaad oo ay wadaan abaabul iyo qorsheyaal kale oo ku wajahan dagaalkaasi.

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlaayay Xuseen Macalin ayuu tilmaamay, in illaa iyo bisha febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka dagaalamayaasha Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo xusay in dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda.

Gaba-gabadii La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.

Latest stories