HomeWararMeydka Khadiija Maxamed Diiriye oo Maanta la keenayo Muqdisho

Meydka Khadiija Maxamed Diiriye oo Maanta la keenayo Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho laga soo dejin doonaa Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti. Diyaarad gaar ah ayaa sida uu qorshahu yahay looga soo qaadayaa Meydka Khadiija Diiriye oo shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla Jabuuti, kadib xaalad […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho laga soo dejin doonaa Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Diyaarad gaar ah ayaa sida uu qorshahu yahay looga soo qaadayaa Meydka Khadiija Diiriye oo shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla Jabuuti, kadib xaalad caafimaad oo degdeg ah ay la soo daristay, laguna sameeyay Qaliin.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna sugan Jabuuti oo ay uga qeyb galeen Shirkii Machadka Heritage ayaa iyaguna maanta soo gaaraya Muqdisho.

Qaban-qaabo ballaaran ayaa ka socota Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ku sugan Guddiga qaban-qaabada Aaska Wasiirkii Haweenka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Saacadaha soo socda ayaa allaha u naxariistee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaan Aaska ka qeyb galaya Madaxda ugu sarreeysa dalka, mas’uuliyiin kala duwan iyo kumanaan dadweyne ah.

Latest stories