HomeWararAmniga Villa Somalia oo lagu wareejinayo Ciidamo Soomaali ah 16 sanno kadib

Amniga Villa Somalia oo lagu wareejinayo Ciidamo Soomaali ah 16 sanno kadib

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Booliska gaarka ayaa maalinta berri si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin. Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Booliska gaarka ayaa maalinta berri si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin.

Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii  Ciidanka Midowga Afrika ka socday howlgalkoodii horey AMISOM iyo Midka hadda ATMIS.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaana horu dhac u ah lawareegida amniga Soomaaliya ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya , waxaana la filayaa in ciidanka nabbad ilalainta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib uga baxaan dalka.

ATMIS ayaa horay u wareejsay xaryooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa ay ku jiraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekadda weyn ee Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts