HomeWararCiidamo ka amar qaata Saciid Deni oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Ciidamo ka amar qaata Saciid Deni oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Waxaa Xarunta Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe la wareegay Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland, kuwaasi oo la sheegay inuu ku amray Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inay qabsadaan Xaruntaasi. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa PMPF oo hubeysan ayaa la wareegay gebi ahaan xarunta Baarlamaanka Maamulka, isla markaana waxaa […]

- Advertisement -

Waxaa Xarunta Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe la wareegay Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland, kuwaasi oo la sheegay inuu ku amray Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inay qabsadaan Xaruntaasi.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa PMPF oo hubeysan ayaa la wareegay gebi ahaan xarunta Baarlamaanka Maamulka, isla markaana waxaa ciidamada qaarkood ay gudaha u galeen xarunta, halka qaar kalena ay xireen waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa.

- Advertisement -

Wararka qaar ayaa ku waramaya in xaruntaas loo qorsheeyey iney ku shaqeeyaan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland, Tallaabadan ayaa timid kadib markii la isku mari waayay wadahadal la doonayay in guddoonka Baarlamanku uu xarunta ku wareejiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa diiday guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Siciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha katirsan mucaaradka ayaa la filayaa inay ku eedeeyaan Madaxweyne Deni inuu afduub kula wareegay xaruntii Baarlamaanka, xilli ay xildhibaanada ku howlanaayeen inay dhameystiraan shaqooyin u harsan.

Latest stories