HomeWararXildhibaanada oo Dalbaday xal loo raadiyo Gobolo weli xaalad adag ay ka...

Xildhibaanada oo Dalbaday xal loo raadiyo Gobolo weli xaalad adag ay ka taagan tahay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka. Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay labadiisa ku-xigeen, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodidda xalaadda fatahaadaha ka jirta dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo Kulankii qabsoomay 29 November 2023, lagu go’aamiyay in loo yeero […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay labadiisa ku-xigeen, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodidda xalaadda fatahaadaha ka jirta dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo Kulankii qabsoomay 29 November 2023, lagu go’aamiyay in loo yeero Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, si ay uga warbixiyaan xaaladaha fatahaadaha ka jira dalka gudihiisa.

- Advertisement -

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo  weeydiiyay Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayaa  xildhibaannadu waxay soo jeediyeen, in gobolada qaarkood xal loo raadiyo, kuwaas oo weli ay ka taagan tahay xaalado adag.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Sadad Mohamed Nuur Caliyow iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin  Cabdulle, ayaa xildhibaanada uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen shaqada Hay’adda iyo gargaarka ay wado, waxaana ay sheegeen in doomo la geeyay gobollada inta badan fatahado ba’an ay ka geeysteen roobabkii ka da’ay gobollada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka maanta soo gabagabeeyay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka lagu wareejiyay  si ay u soo qulaaseeyaan su’aalihii ay  weeydiiyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA isla-markaana Golaha kula soo labtaan jawaabta Xildhibaannada.

Latest stories