HomeWararRW Xamse oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool...

RW Xamse oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo caawa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagula jiro dagaalamaayasha AL-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo caawa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagula jiro dagaalamaayasha AL-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga saarayo Alshabaab iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka  dastuurka KMG ah, dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso la dagaalanka Alshabaab  iyo la wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadka danbe.

Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Latest stories