HomeWararWebiga Jubba oo fatahaad khasaaro geysatay ka sameeyay Luuq iyo Doolow

Webiga Jubba oo fatahaad khasaaro geysatay ka sameeyay Luuq iyo Doolow

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Webiga Jubba ayaa shalay illaa xalay fatahaado ka sameeyay degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana lasoo warinayaa inay xaalad adag ka taagan tahay. Webiga oo karkaarka jabsaday ayaa ku fatahay xaafaddaha degmooyinka Luuq iyo Doolow oo deganaayeen qoysas farabadan, waxaana biyo farabadan ay dhex ceegaagan guriyaha, sida ay kusoo warramayaan […]

- Advertisement -

Webiga Jubba ayaa shalay illaa xalay fatahaado ka sameeyay degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana lasoo warinayaa inay xaalad adag ka taagan tahay.

Webiga oo karkaarka jabsaday ayaa ku fatahay xaafaddaha degmooyinka Luuq iyo Doolow oo deganaayeen qoysas farabadan, waxaana biyo farabadan ay dhex ceegaagan guriyaha, sida ay kusoo warramayaan dadka halkaasi ku sugan.

- Advertisement -

Khasaaro xooggan ayaa la tilmaamay inay fatahaada geysatay oo webiga baabi’iyay beero badan oo ku yaallay labadaas degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare oo gaaray.

Sidoo kale Barakac ballaaran ayaa bilowday oo ay sameynayaan boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha webiga ay dhinac walba ka yimaadeen.

Waa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah ee webiga Jubba uu fatahaad sidan u baahsan ka sameeyo degmooyinka Doolow iyo Luuq sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmooyinkaas.

- Advertisement -

Dowladda ayaa mudooyinkan uga digeysay shacabka iney ka fogaadaan degaanada ku dhow webiyada Shabelle iyo Jubba oo ay sheegtay iney ka dhici karaan fatahaado ay sabab u yihiin roobabka xiliga Deyrta.

Latest stories