HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Faah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah muwaadin soomaali ah ku dishay xaafad hoostagta degmada Gugulethu ee magaalada Cape Town ee dalkaas. Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibrahim Afurow Nuur Xuseen, waxaana markii hore dhaawac kasoo gaaray rasaas ay burcada la beegsadeen, balse markii […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah muwaadin soomaali ah ku dishay xaafad hoostagta degmada Gugulethu ee magaalada Cape Town ee dalkaas.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibrahim Afurow Nuur Xuseen, waxaana markii hore dhaawac kasoo gaaray rasaas ay burcada la beegsadeen, balse markii dambe u geeriyooday.

- Advertisement -

Dad kale oo Soomaali ah kana agdhawaa goobta uu falka ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday meydka marxuumka, waxaana sida la tilmaamay Ibraahim uu ka shaqeynayay dukaan ku yaalla xaafad hoostagta degmada Gugulethu ee magaalada Cape Town.

Burcada hubeysan ee falka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta, Ciidamo Boolis oo gaaray dukaanka lagu weeraray Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan falka burcadnimo ee lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed .

Si kastaba waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika , iyadoo aysan jirin cid iska xil-saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lagu haayo Muwaadiniinta.

Latest stories