HomeWararDFS oo shaacisay inay Gargaar iyo Dhaqaatiir u direyso Marinka Gaza

DFS oo shaacisay inay Gargaar iyo Dhaqaatiir u direyso Marinka Gaza

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar. Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin kuwa dhibaatada ku haayo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle

Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse diiday, waxaana teegeero aan gabasho lahayn la garab istaagay dalalka reer galbeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida gar gaar iyo dhaqaatiirba ugu diri karto magaalada la go’doomiyay ee Gaza, iyadoona Isreal ay diidan tahay in magaaladaasi iyo dadka ku xayiran gar gaar iyo dawaooyin lala gaaro.

Latest stories