HomeWararSaciid Deni oo Shuruudo ku xiray mashaariicda Puntland laga fulinayo

Saciid Deni oo Shuruudo ku xiray mashaariicda Puntland laga fulinayo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Mashaariicda Horumarinta Puntland iyo qodob kale. Madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu faray dhammaan golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda Maamulka, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Mashaariicda Horumarinta Puntland iyo qodob kale.

Madaxweynaha Puntland, ayaa wuxuu faray dhammaan golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda Maamulka, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: –

- Advertisement -

1- Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU)

2- Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta

3- Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland

- Advertisement -

4- Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland

5- Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Puntland.

Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).

Latest stories