HomeWararGuddoomiye Yabooh “Shacabka Muqdisho waxa koowaad ay u baahan yihiin waa Amni”

Guddoomiye Yabooh “Shacabka Muqdisho waxa koowaad ay u baahan yihiin waa Amni”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid. Guddoomiye Yabooh  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka kormeeran uu ahaa mid lagu doonayay […]

- Advertisement -

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid.

Guddoomiye Yabooh  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka kormeeran uu ahaa mid lagu doonayay in lagu ogaado xaqiijinta amniga degmada Yaaqshiid, isla markaana kormeerka uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Caasimadda.

- Advertisement -

Waxa uu Bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida Amniga, iyagoo la shaqeynaya Maamulka degmada iyo laamaha Amaanka si loogu hortago falalka amni darro ee xilliyada qaarkood dhaca.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir in shacabka kunool caasimadda Muqdisho ay u baahan yihiin amni, lana doonayo inay shacabka la shaqeeyaan laamaha amniga.

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada, ayaa waxa uu Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Ganacsatada, isagoona la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Latest stories