HomeWararWararkii ugu danbeeyay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xertiisa oo lagu laayay Sh/Dhexe

Wararkii ugu danbeeyay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xertiisa oo lagu laayay Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa habeenimadii xalay aheyd meel ku dhow deegaanka Xaaji Cali ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku dileen Macallin Dugsi Qur’aan iyo xertiisa, waxaana falkaasi kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Ragga ayaa la sheegay inay Macallinka iyo xerta la socotay oo xiiligaa ka yimid Subac Akhris ay wadada […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa habeenimadii xalay aheyd meel ku dhow deegaanka Xaaji Cali ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku dileen Macallin Dugsi Qur’aan iyo xertiisa, waxaana falkaasi kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Ragga ayaa la sheegay inay Macallinka iyo xerta la socotay oo xiiligaa ka yimid Subac Akhris ay wadada u galeen, isla markaana mar qura ay rasaas ooda uga qaadeen, iyagoona dhammaantood dadkaas oo gaarayay 5 ruux ay goobta ku naf-waayeen.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falka foosha xun ay geysteen dabley hubeysan oo uu xusay inay haatan ku raadjoogan ciidanka Booliska Maamulka.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiyaha Cadale in ay socdaan howlgalo lagu soo qabanayo dadkii ka danbeeyay dilka, isagoona sheegay in Macallinka iyo xertiisa ay u socdeen deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga magaalo xeebeedka Cadale.

Falkan ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haaya aano qabiil, Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxayna arrintan sii hurineysaa colaad beeleedka ka taagan aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Latest stories