HomeWararHoggaamiyaha SSC oo ka dhawaajiyay hadal aysan Puntland ka filayn

Hoggaamiyaha SSC oo ka dhawaajiyay hadal aysan Puntland ka filayn

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo Muqdisho ku sugan ayaa markii ugu horreysay waxaa uu ka hadlay go’aankooda ku aaddan doorashooyinka Puntland iyo suuragalnimada in degaanada SSC ay ka qayb galaan doorashada Puntland. Firdhiye oo Xalay ka hadlayay Madal xalay lagu casuumay ayaa carrabka ku dhuftay in Xildhibaanadii awel Puntland kasoo gali jiray SSC aysan doorashadaan […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo Muqdisho ku sugan ayaa markii ugu horreysay waxaa uu ka hadlay go’aankooda ku aaddan doorashooyinka Puntland iyo suuragalnimada in degaanada SSC ay ka qayb galaan doorashada Puntland.

Firdhiye oo Xalay ka hadlayay Madal xalay lagu casuumay ayaa carrabka ku dhuftay in Xildhibaanadii awel Puntland kasoo gali jiray SSC aysan doorashadaan ka qayb noqon doonin, taa beddelkeedana ay yihiin maamul ka madax bannaan Puntland.

- Advertisement -

“Doorashada Puntland ee soo socta deegannada Khaatumo kama qayb galayaan, hadday qof iyo cod la dhaho deegankayaga kama dhici karto oo uma diiwangashana, qarashna loomaba hayo, hadday sidii isamadu qori jirtay ay noqotanaa ISIMADII iyagaba maamulkan aan hoggaaminaya dhisay.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC Firdhiye.

Waxaa uu intaas ku daray in shaqsiyaadka kasoo jeeda SSC ee xilalka ka haya Pubtland iyo Somaliland aysan mataalin maamulkiisa. “Haddii aad aragtaan qof SSC kasoo jeeda oo xil ka haya maamulada Somaliland & Puntland maaha wax uu cid ku metelo ee wax isaga ku kooban” ayuu yiri Firdhiye.

Puntland ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo doorasho Madaxweyne, waxaana haatan la isku khilaafsan yahay qaabka loo marao doorashadaasi, xili mucaraadkii Puntland ay Garoowe isugu tagaan.

Latest stories