HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta. Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

- Advertisement -

Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga saarayo Al-shabaab.

Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, waxaana Guddoomiyaha kulanka ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay.

Latest stories