Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa shaaciyey in tiro Muwaadiniintooda lagu dilay hawlgalkii ay Ururka XAMAAS ku qaadeen gudaha Israel.
Afhayeenka Golahaasi waxa uu sheegay inay xaqiijin karaa dilka tiro dad Maraykan oo uusan tiradooda carabaabin.
Waxa uu intaasi ku daray inay Mas’uuliyiinta Maraykanka weli la xiriiriyaan dhigooda Israel, si loo helo Faahfaahino dheeraad ah.
Warbixintaas Rasmiga ah ayaa soo baxday, xilli ay Israel Duqeyn ku hayaan Marinka Qasa ee dhulka Reer Falastiin, iyadoo Duqeymahaasi yihiin mid ka mid ah Weerarada ugu Dhiig daadashada badan ee Taariikhda.
