HomeWararShiinaha oo go’aan Culus ka gaaray dagaalka Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda

Shiinaha oo go’aan Culus ka gaaray dagaalka Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa  ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka. “Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada […]

- Advertisement -

Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa  ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka.

“Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

- Advertisement -

“Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas.

Latest stories