HomeWararLaamaha ammaanka Degmada Dooolow oo baaritaan ku sameeyay Gaari Qarax oo la...

Laamaha ammaanka Degmada Dooolow oo baaritaan ku sameeyay Gaari Qarax oo la qabtay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Iyadoo Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ay shalay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qarxa oo la doonaysay in ay degmadaasi weeraro looga gaysto, ayaaa  waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aadan gaarigaasi shalay la qabtay. Laamaha ammaanka ayaa soo saaray xogo dheeraad ah oo ku aaddan gaarigii shalay la […]

- Advertisement -

Iyadoo Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ay shalay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qarxa oo la doonaysay in ay degmadaasi weeraro looga gaysto, ayaaa  waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aadan gaarigaasi shalay la qabtay.

Laamaha ammaanka ayaa soo saaray xogo dheeraad ah oo ku aaddan gaarigii shalay la qabtay,masuuliyiinta  Amaanka ee Dagmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaana sheegay in gaarigaasi ay gacanta ku dhigeeen uu ahaa gaari rakaabka ah oo siday rasaas iyo agabya kale oo ciidan taasoo ay sheegeen in ay baaritaan ku sameeyeen gaarigaasi iyo agabyada ay ku qabteen.

- Advertisement -

Taliyaha saldhiga Dagmada Dooloow ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamuud Cabdi Xaashi oo Waraysi siiyay VOA da ayaa sheegay in haatan ay ku raad joogaan shaqsiyaad looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen gaarigaaasi qaraxa iyo raasta waday.

Waxaa uu intaasi ku daray Taliyaha saldhiga Dagmada Dooloow ee Gobolka Gedo in ay hadda hayaanm tixraaca gaarigaasi, oo baarintaankoodu uu soo gaaray ilaa Muqdisho, ayna ku daba jiraan shaqsiyaadkii soo abaabulay gaarigaasi qaraxa waday.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka  in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah.

Latest stories