HomeWararFaysal Cali Waraabe oo ka Jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray C/Raxmaan C/Shakuur

Faysal Cali Waraabe oo ka Jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray C/Raxmaan C/Shakuur

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid noqday dad siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal uu habeen hore sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergayga gaarka ah ee Arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ku jiray sharraxaad uu ka bixinayay in aan si sax ah loo dersin waxa ay ku saleysanyihiin […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid noqday dad siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal uu habeen hore sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergayga gaarka ah ee Arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ku jiray sharraxaad uu ka bixinayay in aan si sax ah loo dersin waxa ay ku saleysanyihiin isku dhacyada Soomaalida.

Kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb oo ay qabatay Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadahadallada Galmudug ee (GRD) loogana doodayay la dagaallanka Al-Shabaab iyo dowlad dhiska Soomaaliya ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur mar uu ka jawaabayay su’aal la waydiyay waxaa hadalkiisii ka mid ahaa, “Lacagta Caabudwaaq laga aruurinayo ee Khaatumo la geynayo waa in aan ogahay sababta loo aruurinayo oo aan dagaalka inta ka socda ee Shabaabka aan loogu aruurineynin.”

- Advertisement -

Faysal Cali Waraabe oo s ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sheegay in lacagta Caabduwaaq laga aruurinayo ay tahay lacag looga dhex faa’iideysnayo Laascaanood iyo Hargeysa isla markaana la doonayo in iyaga “lagu tirtiro”.

Baraha bulshada ayaan si weyn loogu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Latest stories