HomeWararFaransiiska oo u yeeranayo safiirkooda iyo dublamaasiyiinta kale ee Niger

Faransiiska oo u yeeranayo safiirkooda iyo dublamaasiyiinta kale ee Niger

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiiska uu u yeeranayo safiirkooda iyo dublamaasiyiinta kale ee Niger, ayna soo afjari doonaan iskaashiga milatari ee ay dalkaasi la’ lahaayen. Kun iyo shan boqol oo askari oo Faransiis ah oo qayb ka ah la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ah ee gobolka Saaxil ayaa sidoo kale Faransiisku qorsheynayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiiska uu u yeeranayo safiirkooda iyo dublamaasiyiinta kale ee Niger, ayna soo afjari doonaan iskaashiga milatari ee ay dalkaasi la’ lahaayen. Kun iyo shan boqol oo askari oo Faransiis ah oo qayb ka ah la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ah ee gobolka Saaxil ayaa sidoo kale Faransiisku qorsheynayaa inuu kala soo baxo dalkaas dhammaadka sanadkan.

Dowladda cusub ee militariga Niger ayaa soo dhaweysay go’aanka, iyadoo sheegtay in tillaabadaan ay gacan ka geysan doonto soo celinta madax banaanida dalkooda.

- Advertisement -

Mr Macron ayaa sheegay in Faransiisku aanu u afduubneyn hoggaamiyaasha dalak Niger ka sameyay afgambiga.

Horey ayaa taliyayaasha militariga ee Niamey waxay uga mamnuuceen hawada dalkooda diyaaradaha Faransiiska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts