HomeWararXiisadii Nagorno-Karabakh oo Mar kale dib u bilaabatay

Xiisadii Nagorno-Karabakh oo Mar kale dib u bilaabatay

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Washington ayaa Talaadadii ugu baaqday Azerbaijan inay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya. Kadib bilo ay xiisadda sare uga sii kaceysay gobolka Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa ciidamo u dirtay ayada oo isku dayeysa in gobolkan gooni u goosadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Washington ayaa Talaadadii ugu baaqday Azerbaijan inay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya.

Kadib bilo ay xiisadda sare uga sii kaceysay gobolka Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa ciidamo u dirtay ayada oo isku dayeysa in gobolkan gooni u goosadka ah u cago dhigto.

- Advertisement -

Karabakh ayaa waxaa caalami ahaan loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dhulka Azerbaijan, hase yeeshee waxaa qeybo ka mid ah maamula mas’uuliyiinta Armenia oo ku dooda inuu yahay dhulkii awoowyaasood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso.

Qoraalka wada-hadallada ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev “uu muujiyay inuu diyaar u yahay” joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada Nagorno-Karabakh.

- Advertisement -

Blinken ayaa ugu sheegay Pashinyan wada-hadalladooda in Armenia ay taageero buuxda ka haysato Washington.

Armenia ayaa dhul ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay. Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts