HomeWararRW Xamse Barre oo Maanta u dhoofay Mareykanka & ujeedka safarkiisa

RW Xamse Barre oo Maanta u dhoofay Mareykanka & ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo wafdiga la socday ayaa u ambabaxay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo wafdiga la socday ayaa u ambabaxay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedin doona Madasha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, wuxuuna Xamse ka hadli doonaa xaaladda Soomaaliya iyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee dalka ka socda.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeelan doono Xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud ee QM, Madaxda Dowladda Mareykanka iyo Qaar ka mid ah Madaxda wufuudda kale ee Caalamiga ah ee ka qaybgalaysa shirka Q.M.

Xamse Barre ayaa waxa uu sidoo kale kulamo uu la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, isaga oo uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab iyo horumarka dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo guud ahaa siyaasadda.

Latest stories