HomeWararAS oo Weerar dhabba-gal ah ku qaaday Kolonyo Ciidanka Itoobiya & Dagaal...

AS oo Weerar dhabba-gal ah ku qaaday Kolonyo Ciidanka Itoobiya & Dagaal dhacay  

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka heleyno deegaanka Booco ee hoostaga degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in aroortii hore ee saakay halkaasi ay ku dagaalameen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS. Dad ku sugan Rabdhuure ayaa ayaa kusoo warramay in dagaalka oo ahaa mid xooggan oo socday ku dhawaad […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Booco ee hoostaga degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in aroortii hore ee saakay halkaasi ay ku dagaalameen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Dad ku sugan Rabdhuure ayaa ayaa kusoo warramay in dagaalka oo ahaa mid xooggan oo socday ku dhawaad hal saac uu markii hore uu ka bilowday xubno ka tirsan Shabaab oo weerar dhaba-gal ah ku qaaday kolonyo ay wateen ciidanka Itoobiya.

- Advertisement -

Ciidamada oo kusii jeeday degmada Waajid ayaa Weerarka waxa uu ku qabsaday deegaanka Booco, sidaasina uu dagaalka ku qarxay, khasaaro kala duwan ayaa lasoo tebiyay inuu ka dhashay dagaalka iyo weerarka oo dhinacyada kala gaaray.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in tan iyo salaaddii subax ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayaan.

Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowladda Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Latest stories