HomeWararMaamulka Galmudug oo si kulul uga jawaabay eed kaga timid Dowlad degaanka

Maamulka Galmudug oo si kulul uga jawaabay eed kaga timid Dowlad degaanka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo uga yimid Hoggaanka Nabadgalyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, taas oo ah inuu ku lug lahaa dagaal shalay ka dhacay meel u dhow degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka, oo la sheegay in lagu dilay ilaa iyo 12 qof. Waxaa uu maamulku sheegay, in arrintaas ay u […]

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo uga yimid Hoggaanka Nabadgalyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, taas oo ah inuu ku lug lahaa dagaal shalay ka dhacay meel u dhow degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka, oo la sheegay in lagu dilay ilaa iyo 12 qof.

Waxaa uu maamulku sheegay, in arrintaas ay u dhaxeysay dad wada dega kililka, isla markaana aanay jirin ciidamo ka socda Galmudug oo u talaabay dhanka Itoobiya oo ay xad wadaagaan.

- Advertisement -

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhoow oo wareysi siiyay BBC da ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo ka socda Maamulka Galmudug oo qayb ka qaatay dirirtaasi dhex-martay labada beelood ee halkaasi wada dega.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inaysan jirin wax xiriir ah oo oo dowlad degaanka ay lasoo sameeyeen Maamulka GFalmudug, kaasi oo ku aaddan colaaddaasi iyo sidii labada dhinac uga wadaqasheyn lahaayeen nabadeynta degaankaasi.

Latest stories