HomeWararAS oo Madaafiic ku garaacay deegaanka Ceel-Lahelay

AS oo Madaafiic ku garaacay deegaanka Ceel-Lahelay

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka. Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka.

- Advertisement -

Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay ku beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas. Mana ay bixin faah-faahin intaas dheer.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib kormeer ay shalay isaga iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ku tageen deegaanada Ceel-Lahelay iyo Ceelgaras.

Qoor Qoor ayaa waxaa safarka Ceelgaras, oo ay shalay qabsadeen ciidanka dowladda, ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts