HomeWararAS oo Madaafiic ku garaacay deegaanka Ceel-Lahelay

AS oo Madaafiic ku garaacay deegaanka Ceel-Lahelay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka. Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay […]

- Advertisement -

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka.

- Advertisement -

Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay ku beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas. Mana ay bixin faah-faahin intaas dheer.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib kormeer ay shalay isaga iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ku tageen deegaanada Ceel-Lahelay iyo Ceelgaras.

Qoor Qoor ayaa waxaa safarka Ceelgaras, oo ay shalay qabsadeen ciidanka dowladda, ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Latest stories