HomeWararRa'iisul Wasaare Xamse oo Maanta kulamo ka bilaabaya Dooxa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta kulamo ka bilaabaya Dooxa

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa Maanta magaaladaas ka bilaabaya kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah Madaxda Qatar. Xamse oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa kulan ugu horreeya la qaadanaya Sheekh Maxamed, iyagoona […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa Maanta magaaladaas ka bilaabaya kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah Madaxda Qatar.

Xamse oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa kulan ugu horreeya la qaadanaya Sheekh Maxamed, iyagoona ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa inta uu ku sugan yahay Dooxa la kulmaya Amiirka Qatar Sheekh amim bin Hamad Al-Thani iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladdaasi, isagoo booqasho ku tagaya xarumo ku yaalla caasimadda.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale ayaa sheegay in Xamse uu kulamo kale la yeelan doono Ganacsatada Soomaaliyeed ee Qatar joogta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo uu Warbixino ka siinayo xaaladda guud ee dalka iyo howlgalada socda.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Latest stories