HomeWararTaliska CXD oo faah faahin ka bixiyay Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay...

Taliska CXD oo faah faahin ka bixiyay Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Daaru-nicma

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii xoogganaa ee shalay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Daaru-nicma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar xooggan oo Al-Shabaab kusoo […]

- Advertisement -

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii xoogganaa ee shalay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Daaru-nicma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar xooggan oo Al-Shabaab kusoo qaaday deegaanka Daarunicma, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaasi oo dhinacyada soo kala gaaray.

- Advertisement -

Taliye Axmed ayaa waxa uu tilmaamay in Shabaabka ay khasaaro ku gaarsiiyeen deegaanka, kadib markii uu dhacay dagaal culus oo socday muddo ku dhow laba saacadood oo xiriir ah, la iskuna adeegsanayay hubka cul culus.

Jeneraal Axmed Aadan ayaa xusay inay sii wadaan howlgalo ay ku sii baacsanayaan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday, isagoona u mahadceliyay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah oo uu sheegay inay iska difaaceen Shabaabka.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegatay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Daaru-nicma ee hoostaga degmada Runir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay cagta mariyeen ciidamada ku sugnaa halkaasi, waa sida hadalka u dhigeen.

Latest stories