HomeWararKenya oo ka hadashay Weerar lagu laayay Dhallinyaro Soomaali ah

Kenya oo ka hadashay Weerar lagu laayay Dhallinyaro Soomaali ah

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Dabley hubeysan ayaa lix qof oo ay ku jiraan afar arday ku dilay duleedka magaalada Gaarissa ee Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaa ardaydan ay ku sii jeedeen degmada Haluqo si ay maalmaha fasaxa ula soo qaataan waalidkooda.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ardayda lala dilay darawalkii gaariga ku waday iyo qof kale oo la socday.

- Advertisement -

Weerarkan ayaa dowladda Kenya ay ku sheegtay in uu ahaa mid aano qabiil ah, waxayna sheegtay in ay ciidamada amnigu soo qabteen qof ka mid ah dableydii ardaydaasi leysay, isla markaana haatan ay socdaan baaritaano kale oo lagu baadi-gaabayo dad kale.

Guddoomiyaha Gobolka waqooyi bari ee Kenya  oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dableyda hubeysan ee weerarka ku dishay ardayda ay gaarayaan 5 illaa 8 ruux, wuxuuna tilmaamay in ciidamo ay geeyeen deegaano ay ka dhici karaan falalkaan oo kale,

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale xusay inay wadaan howlgalo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay weerarkaan khasaaraha geystay, isla markaana dadkaasi cadaalada la horgeyn doono, oo mid kamid ah gacanta ay kusoo dhigeen ciidanka Booliska Kenya.

Latest stories