HomeWararKenya oo ka hadashay Weerar lagu laayay Dhallinyaro Soomaali ah

Kenya oo ka hadashay Weerar lagu laayay Dhallinyaro Soomaali ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dabley hubeysan ayaa lix qof oo ay ku jiraan afar arday ku dilay duleedka magaalada Gaarissa ee Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaa ardaydan ay ku sii jeedeen degmada Haluqo si ay maalmaha fasaxa ula soo qaataan waalidkooda. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ardayda lala dilay darawalkii gaariga ku waday iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dabley hubeysan ayaa lix qof oo ay ku jiraan afar arday ku dilay duleedka magaalada Gaarissa ee Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaa ardaydan ay ku sii jeedeen degmada Haluqo si ay maalmaha fasaxa ula soo qaataan waalidkooda.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ardayda lala dilay darawalkii gaariga ku waday iyo qof kale oo la socday.

- Advertisement -

Weerarkan ayaa dowladda Kenya ay ku sheegtay in uu ahaa mid aano qabiil ah, waxayna sheegtay in ay ciidamada amnigu soo qabteen qof ka mid ah dableydii ardaydaasi leysay, isla markaana haatan ay socdaan baaritaano kale oo lagu baadi-gaabayo dad kale.

Guddoomiyaha Gobolka waqooyi bari ee Kenya  oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dableyda hubeysan ee weerarka ku dishay ardayda ay gaarayaan 5 illaa 8 ruux, wuxuuna tilmaamay in ciidamo ay geeyeen deegaano ay ka dhici karaan falalkaan oo kale,

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale xusay inay wadaan howlgalo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay weerarkaan khasaaraha geystay, isla markaana dadkaasi cadaalada la horgeyn doono, oo mid kamid ah gacanta ay kusoo dhigeen ciidanka Booliska Kenya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts