HomeWararTaliye ciidan oo lagu dilay Dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda

Taliye ciidan oo lagu dilay Dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dagaal kooban oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalkaasi kasoo baxaya warar dheeraad ah.

Dagaalkan dhexmaray ciidamada ka wada tirsan dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamo ka baxay Muqdisho, kuna sii socday furimaha dagaalka Galgaduud ay ku dhaceen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka Masaajid Cali Guduud.

- Advertisement -

Ciidamada ayaa la tilmaamay inay kala shakiyeen, isla markaana dagaalka uu ka dhex bilowday, maadaama xilliga uu dagaalka dhacaayay ay aheyd saqdii dhexe ee xalay, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro nafeed, sida laga xigtay saraakiil ciidan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii ururka 2-aad guutada Khaalid Bin Waliid oo lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Axmed Abshir iyo Askar kale oo ka tirsaneyd ciidamada dowladda, kuwaasi oo ka baxay magaalada Muqdisho.

Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo oo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo aaga uu dagaalka ka dhacay.

Latest stories