HomeWararMaxaa ka jira Wararka Sheegaya in Taliyihii Booliska Somaliland uu iscasilay?

Maxaa ka jira Wararka Sheegaya in Taliyihii Booliska Somaliland uu iscasilay?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Somaliland ayaa  ka hadashay warar dhawaan soo baxayay oo sheegayay in Taliyihii Booliska Somaliland uu iscasilay, xili wararkaasi si weyn loogu baahiyay baraha Bulshada. Wararka la faafiyay ayaa tilmaamayay in  Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu iska casilay Xilkii u a hayay, balse qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu beeniyay arrinkaasi. Waxaana qoraalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Somaliland ayaa  ka hadashay warar dhawaan soo baxayay oo sheegayay in Taliyihii Booliska Somaliland uu iscasilay, xili wararkaasi si weyn loogu baahiyay baraha Bulshada.

Wararka la faafiyay ayaa tilmaamayay in  Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu iska casilay Xilkii u a hayay, balse qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu beeniyay arrinkaasi.

- Advertisement -

Waxaana qoraalka kasoo baxay Taliska Somaliland lagu sheegay in taliyaha uu dibadda ugu maqan yahay arrimo shaqsi ah.

“Taliska Ciidanka Booliska  Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska  Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga  Somaliland. Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxuu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts