HomeWararMadaxweyne Shariif "Colaaddu Markay qaraabo gasho Cuqubadeedu waa qatar, wayna soo deg...

Madaxweyne Shariif “Colaaddu Markay qaraabo gasho Cuqubadeedu waa qatar, wayna soo deg degtaa”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Masuuliyiin kale ayaa ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasi oo ay u joogaan dhex-dhexaadinta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo ka mid ah Gobolkaasi. Masuuliyiinta ka qayb qaadanaya gogosha nabadeed ee la dhigay degaanka Burka Derimeed ayaa waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka socota maamulka Hishabeelle, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Masuuliyiin kale ayaa ku sugan Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasi oo ay u joogaan dhex-dhexaadinta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo ka mid ah Gobolkaasi.

Masuuliyiinta ka qayb qaadanaya gogosha nabadeed ee la dhigay degaanka Burka Derimeed ayaa waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka socota maamulka Hishabeelle, Nabaddoonno iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa doorka ugu weyn ka qaadanaya nabadeynta, waxaana ay deegaanka Burka Diirimeed ka daahfureen Shirka Dib u Heshiinsiinta Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan dagaalamay deegaano hoos yimaada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.

Shirkaan Dib u Heshiisiinta ah waxaa sidoo kale goob joog u ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan  Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Duubabka iyo waxgaradka Gogoshaan Nabadeed isugu yimid ku adkeeyay inay dhameeyaan colaada deegaanadaan ka jirta si bulshadu ay ugu noolaadaan nabad wadajir iyo walalnimo.

- Advertisement -

Waxaana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu farriin u diray labada dhinac, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan dirirta, sidoo kalena waxaa u uku dheeraaday ka hadlidda cawaaqib xumuada ka dhalata dirirta sokeey. “Colaadu Markay qaraabo gasho Cuqubadeedu waa qatar wayna soo deg degtaa” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts